Macalinka Kooxda Savilla Ayaa Xiddigaha Kooxda u Sheegay In Laga Helay Cudurka Kansarka;

Tababaraha Sevilla Eduardo Berizzo ayaa u sheegay u ciyaartoydiisa in laga helay Borastayt kansar ka hor inta aysan seddex gool oo lagu hogaaminayay ka soo laaban kulankii Liverpool.

Kooxda reer Spain ayaa mucjiso dhigtay qeybtii labaad ee kulankii Champions League ee xalayto iyagoo ka soo kabsaday 3-0 oo lagu hogaaminayay islamarkaana ciyaarta ku dhameystay barbaro 3-3 ah.

Guido Pizarro ayaa dhaliyay goolka seddexaad waqtigii dhimashada ciyaarta waxaana ay ciyaartoyda dabaaldeg weyn la sameeyeen tababarahooda Berizzo.

Ciyaarta ka dib, waxaa soo baxay warar sheegaya in soo laabashadooda ay dhiirogelisay warka xun ee loo sheegay ciyaartoyda Sevilla waqtigii nasashada ee ciyaarta.

Warka waxaa xaqiijiyay joornaaliistayaal kale oo uu ku jiro khabiirka kubada cagta Spain Guillem Balague kaasoo Twitter ku soo qoray: Tababaraha Sevilla Eduardo Berizzo waxaa laga helay Borastayt Kansar. Ciyaartiisa weyn ee rasmiga ah haatan ayay u bilaabaneysaa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)