Karim Benzema oo ku qasbay halyeeyga xulka qaranka England Gary Lineker inuu ammaano

Barnaamij soojeediyaha caanka ah ee reer Britain Gary Lineker ayaa wuxuu ugu dambeyn Twitter-ka ku ammaanay Karim Benzema  ka dib muddo dheer oo uu baraha bulshada ku dhaleeceynayey qaab ciyaareedka xiddiga reer France.

Halyeeyga xulka qaranka England Gary Lineker ayaa wuxuu horay shaki u geliyey haddii uu Benzema u qalmo inuu boos ka helo kooxda haatan ee Real Madrid.

Wixii intaas ka dambeeyey taageereyaasha Benzema ayaa weerar ku qaaday laacibkii hore ee kooxaha Barcelona iyo Tottenham Hotspur.

Xitaa tababare Zinedine Zidane ayaa wuxuu sheegay in uusan ku faraxsaneyn hadalka kasoo yeeray Gary Lineker.

Laakiin markii uu Benzema laba gool ka dhaliyey kooxda APOEL Nicosia, Gary Lineker ayaa wuxuu afkii uu ku aflagaadeeyey ku ammaanay Benzema, isagoo bartiisa Twitter kusoo qoray: “Benzema laba gool ayuu dhaliyey wuuna soo laabtay”.

Fikradaha Akhristayaasha (0)