Halyeeyga Man United Gary Neville Ayaa Ku Guulaystay Saadaashii Uu Xalay Ka Bixiyey Liverpool vs Savilla;

Iyadoo Liverpool ay ciyaarta ku hogaamineyso 3-0 ka dib nusa saac ay ciyaarta socotay kulankii xalayto ee Sevilla, qof walba ayaa ku fekerayay in Reds ay guul weyn la hooyan doonto islamarkaana ay xaqiijisan doonaan u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League weliba iyagoo kaalinta 1aad ee Group-kooda ku soo baxaya.

Laakiin waxaa jiray hal nin oo ay u la muuqatay inuu arki doono natiijo taas ka bedelan.

Sababtoo ah markii uu Roberto Firmino ciyaarta ka dhigay 3-0, ciyaaryahankii hore ee Manchester United ahna khabiirka Sky Sports Gary Neville ayaa Twitter ku qoray inuu saadaalinayo inay ciyaartaan 3-3 ku dhamaaneyso.

Neville ayay u la muuqatay in Liverpool aysan awood u laheyn inay difaacato hogaankeeda, inkastoo ay soo badiyeen afartii kulan ee ka horeysay iyadoo mudadaas kaliya hal gool laga dhaliyay.

Laakiin dhibaatooyinka difaaca ma ahan kuwa marnaba ka fog kooxda Jurgen Klopp, xaqiiqdiina Neville waxa uu xitaa saadaashiisa ka dhigay inay 4-3 ku badineyso Sevilla ka dib markii uu Wissam Ben Yedder uu dhaliyay labo gool 15kii

Laakiin saadaashiisii hore ayay noqotay midii ruwowday iyadoo Guido Pizarro uu shabaqa soo taabsiiyay goolka barbaraha waqtigii dhimashada, taasoo keentay in Liverpool aysan weli xaqiiqo u aheyn u soo bixitaankooda wareega 16ka ee Champions League.

Fikradaha Akhristayaasha (0)