FALLANQEYNTA GROUP D: Juventus VS Barcelona, Sporting VS Olympiacos- Old Lady Oo Dooneysa Inay Gabagabeyso Guulaha Xiriirka Ah Ee Blugrna

Barcelona ayaa isha ku heysa inay sii wadato guulaheeda waa weyn ee xili ciyareedkaan, iyadoo ah koox aan wali laga badin marka ay wajahayaan Juventus.

Juve ayaa looga badiyay 3-0 kulankii furitaanka tartankaan garoonka Camp Nou, Old Lady ayaa seddex dhibcood u jirta hadda kooxda reer Spain.

Dhanka kale, Barcelona ayaa barbaro goolal la’aan ah oo la gashay Olympiacos, taasoo u xaqiijisay booskeeda wareega 16ka Champions League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Allianz Stadium

SAACADA: 10:45 Pm

MAXAA CUSUB?

Ernesto Valverde ayaa ugu yeeri doona shaxdiisa Paco Alcácer, iyadoo Lionel Messi iyo Suárez uu kula soo bilaaaban karo safka weerarka.

Valverde ayaa kusoo geli kara shaxda 4-4-2, afar ciyaaryahan oo khadka dhexe ah iyo afar difaac ah ayuu isticmaali doonaa kulanka caawa ee Juventus.

Sergi Roberto iyo André Gomes ayaa dhaawac ku maqan, halka Paulinho ama Denis Suarez midkood uu kusoo bilaaban karo khadka dhaxe.

Juventus ayaan qabin dhaawacyo waaweyn kulanka ay soo dhaweyneyso kooxda aan laga badin ee Barcelona.

XAQIIQADA KULANKA

Guud ahaan 10 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood, Barcelona ayaa ku guuleysatay 4, iyadoo Juventus badisay 3, halka inta kale barbaro ay noqdeen.

Barcelona ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeysay ee ay booqdeen Turin, waxaana looga badiyay kaliya laba jeer.

Juve ayaa 3-0 ku badisay markii ugu dambeysay oo ay Barcelona kusoo dhaweysay Turin kulankii semi-final tartankaan xilli ciyaareedkii hore.

Rikoorka gurigeeda Juventus kaga heysato kooxaha Spain waa 14 guul, 8 barbaro iyo 2 qasaaro.

Rikoorka Barcelona ka heysato kooxaha horyaalka Talyaaniga 21 kulan oo ay wajahdaay waa 6 guul, 9 barbardhac iyo 6 guuldarro, 21kii kulan ee ugu dambeeyay.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Juventus (4-2-3-1) Buffon; De Sciglio, Barzagli, Chiellini, Alex Sandro; Pjanic, Matuidi; Cuadrado, Dybala, Mandzukic; Higuaín

Barcelona (4-4-2) Ter Stegen; Semedo, Piqué, Umtiti, Alba; Paulinho, Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez

Dhinaca kale isla Group-kaan waxaa caawa kuwada ciyari doona kooxaha Sporting CP iyo Olympiacos.

Fikradaha Akhristayaasha (0)