FALLANQEYNTA GROUP C: Qarabag VS Chelsea, Atletico Madrid VS Roma- Antonio Conte Oo Isbedel Ku Sameynaya Shaxdiisa & Luiz Oo Loo Yeeeray

Chelsea ayaa u soo bixi doonta wareega 16ka Champions League hadii ay garaacaan caawa kooxda Qarabag kulanka katirsan Group C.

Kooxda Antonio Conte ayaa 6-0 kusoo badisay bishii September markii ay la ciyaarayeen kooxda Qarabag, laakiin natiijada Group C, waxaa adkeeyay barbaro 3-3 ah iyo guuldarro 3-0 oo ay kala kulmeen kooxda Serie A ka dhisan ee Roma.

Si kastaba ha ahaatee, Qarabag oo labo jeer barbaro la gashay Atletico Madrid, ayaa dooneysa caawa in ay wax ka bedesho natiijada ciyaarta.

Conte wuxuu kalsooni ku qabaa inuu guul gaari karo kulankaan kadib markii uu 6-0 kaga badiyay kooxdan garoonka Stamford Bridge bishii September.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Baku National Stadium  

SAACADA: 8:00 PM

MAXAA CUSUB? 

Chelsea ma qabto dhaawacyo cusub kulankaan, laakiin Conte ayaa laga yaabaa inuu bedelo ciyaartoydiisa qaar ka dib safar dheer oo uu ku tagay Baku xili Sabtida uu wajahyo Liverpool.

David Luiz ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto shaxda koowaad, halka Eden Hazard la xaqiijiyay inuu taam yahay, inkastoo la nasin karo.

Weeraryahanada Michy Batshuayi iyo Charly Musonda iyo ciyaaryahanka garabka midig ee Victor Moses ayaa dhamaan ka maqan safarka caawa.

Dhanka kale kooxda marida loo yahay waxaa ka maqnaan doona Pedro Enrique oo ganaax ah, iyo Dani Daniela oo dhaawac qaba.

Tababaraha Qarabag ayaa sheegay in shaqaalaha caafimaadka kooxdiisa  go’aan ka gaarayaan xaalada caafimaad ee Dani.

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea ayaa dooneysa in ay gaarto wareega isreebreebka Champions League markii 13aad, 14kii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Qarabag ayaan weli ku guuleysan kulan Champions League ah xilli ciyaareedkan,  kaliya seddex jeer oo hore u ciyaareen tartankaan waligood ma gaarin wareega 16ka.

Guuldaradii Roma kasoo gaartay waxa ay aheyd kaliya guuldaradii labaad ee Chelsea soo gaarta 17kii kulan ee ugu dambeyay Champions .

Dhinaca kale isla Group-kaan waxaa caawa ku ballansan kooxaha Atletico Madrid iyo Roma, kooxda reer Spain ayaa quus ka taagan kulamada ay ka ciyaartay Champions League xili ciyaareedkaan.

Ciyaartaan waxaa la daawanayaa 10: 45 Pm.

Fikradaha Akhristayaasha (0)