Andreas Granqvist oo 10 sanadood oo xiriir ah kaddib booska xidigga sanadka Sweden 2017 kala wareegay Ibrahimovic

Kabtanka kooxda Krasnodar iyo xulka Qaranka Sweden ee Andreas Granqvist ayaa markii ugu horreysay 10 sanadood oo xiriir ah kaddib booska laacibka ugu wanaagsan Waddanka Sweden 2017 waxa uu kala wareegay ciyaartoyga kooxda Manchester United ee Zlatan Ibrahimovic.

Granqvist oo daafaca ka dheela ayaa waxa uu qayb ka ahaa ciyaartoydii xulka Sweden u horseeday in ay u soo gudbaan ka qayb galka Koobka Adduunka 2018 ee lagu qaban doono dalka Ruushka, kaddib markii ciyaartii is reeb-reebka ay quusiyeen xulka Talyaaniga.

Ibrahimovic oo ka fariistay ciyaaraha heerka caalami ee xulka Sweden ayaa 2007 illaa 2016 waxa uu si is daba joog ah ugu guuleystay abaa-marinta kubadda dahabka ah ‘Guldenbollen’ ee xidigga sanadka ee Sweden, taas oo uu ku kasbaday in taalladiisa la suro bannaanka hore ee garoonka xulka Qaranka Sweden ee magaallada Stockholm.

Ciyaaryahan Granqvist oo 32 sano jir ah ayaa horey ugu soo ciyaaray kooxda kubadda cagta Wigan Athletic ee Waddanka Ingiriiska.

Fikradaha Akhristayaasha (0)