Real Madrid Oo Dalab Aan La Diidi Karin Hor Dhigtay Kevin De Bruyne Xili Florentino Perez Ballan Qaad U Sameeyay Wiilka Belgium

Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay 88 milyan oo ginni ku dalbato xiddiga kooxda Manchester City Kevin De Bruyne.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa ka niyad jabsan xaalada ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, waxaana ay kujiraan booska seddexaad ee La Liga, iyadoo 10 dhibcood ka dambeya Barcelona.

Waxa ay si aad ah ugu baahan yihiin in ay xoojiyaan awooda khadka dhaxe si ay ugu yaraan u difaacdaan tartanka Champions League.

Sida laga soo xigtay Don Balon, madaxweynaha Real Florentino Perez ayaa isha ku haya ciyaaryahanka khadka dhexe ee City De Bruyne.

Xiddiga Belgium ayaa heshiiskiisa Etihad waxa uu ku egyahay 2021, laakiin waxa la filayaa inuu ka fakiro dalabyada kaga imaanaya caasimada Spain.

Haatan waxa uu isbuucii mushaar ahaan kaga qaataa kooxdiisa £ 115,000-, laakiin madaxweyne Perez ayaa doonaya inuu kordhiyo mushaarkiisa haddii uu doorto Bernabeu.

De Bruyne ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay afar gool islamarkaana caawiyey sagaal kale.

26 jirkaan ayaa labo sanno ka hor Manchester City kaga soo wareegay kooxda Wolfsburg ee ka dhisan dalka Germnay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)