Neymar JR oo farta ku fiiqay laba koob oo muhiim ah oo uu doonayo inuu kula guuleysto PSG iyo xulka Brazil

Iyadoo xulkiisa qaranka Brazil ay usoo baxeen Koobka Adduunka 2018ka, kooxdiisa Paris Saint-Germain ay ugu sarreyso guruubkeeda koobka UEFA Champions League – Neymar JR ayaa wuxuu la wadaagay adduunka koobabka uu diiradda u saaran ee uu ku hammi weyn yahay inuu ku guuleysto xilli ciyaareedkaan.

Weeraryahankii hore ee kooxda Barcelona ayaa daaha ka qaaday inuu isha ku hayo inuu xilli ciyaareedkaan kooxdiisa PSG ka caawiyo hanashada koobka UCL – ka dibna uu xulkiisa Brazil la qaado Koobka Adduunka ee Russia.

Isagoo wareysi siiyey shabakadda Man About Town, Neymar wuxuu yiri: “Waxaan doonayaa inaan koobka Champions League la qaado PSG ka dibna aan Koobka Adduunka kula guuleysto xulkeyga Brazil.

“Hadda labadaas riyo ayaa ugu weyn hammigeyga, ka dibna maxaa dhici doona? Ma garanayo – malaha waxaa laga yaabaa inaan guursado”.

Neymar ayaa xilli ciyaareedkaan dhaliyey 11 gool 13 kulan oo uu u saftay kooxdiisa PSG, wuxuuna caddeeyey inuu ku riyaaqayo ku noolaanshiyaha caasimadda Paris.

Fikradaha Akhristayaasha (0)