Mohamed Salah oo doonayo inuu ka faa’iideesto xiisaha ay u qabto Kooxda Real Madrid

Kadib bandhiga layaabka leh ee uu Garoonka Anfield ku soo bandhigay dhawaan galka dalka Masar ee Mohamed Salah ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in uu dhaqso uga dhaqaajin doono Liverpool.

Mohamed Salah oo Liverpool uga soo biirey Kooxda Roma ayaa lasheegayaa in ay Xiriir lasoo samaysey Kooxda Real Madrid oo dooneysa in ay deg deg uga kaxeeyaan garoonka Anfield kadib markii uu bandhig cajiib ah Sameeyey.

Xiddigaan oo hogaaminaya xiligaan Gooldhalinta Horyaalka Premier League ayaa Ninka ay isku wadanka yihiin ee Ahmed Mido waxa uu sheegay in uusan kusii negaan doonin Liverpool maadaama uu doonayo sida uu aaminsanyahay koox uu kula guuleysto Horyaal iyo Koobab muhiim ah.

Cayaaryaahnka dalka Masar ayaa Liverpool kula jira heshiis 5 sano ah waxaana uu soo bandhigay Cayaar layaab leh tan iyo markii uu ku soo biirey Naadiga dalka England waxaana uu soo jiitey Real Madrid oo ah koox weyn oo ka dhisan dalka Spain.

Fikradaha Akhristayaasha (0)