Luiz Out, Christiansen In iyo shaxda macquulka ah Chelsea naadiga Qarabag kala hortagi doonto

Macalin Antonio Conte kooxdiisa Chelsea waxay safar ku tagi doontaa dalka Azerbaijan arbacada ayadoo la cayaari doonto naadiga Qarabag FK kulan ka tirsan Champion-ka.

Chelsea waxay u baahan tahay guul kulanka 4-aad ee Champion-ka madaama ay rabto inay usoo baxdo wareega 16-aad.

Sidaa darteed macalin Conte marnaba ma dhayilsan doono naadiga Qarabag FK wuxuuna adeegsan doonaa xidigahiisa ugu muhiimsan.

Hadaba sadaal laga bixiyay si hordhac ah shaxda Chelsea arbacada adeegsan doonto fadlan hoos kaga bogo:

Shaxda: 3-4-3

Goolhaye: Thibaut Courtois

Daafacyada: Cesar Azpilicueta, Thomas Christensen, Antonio Rudiger

Khadka Dhexe: N’Golo Kante, Davide Zappacosta, Cesc Fabregas, Marcos Alonso

Weerarka: Pedro, Eden Hazard, Alvaro Morata

Fikradaha Akhristayaasha (0)