lix ka mid ah Cayaartoyda Barcelona oo dhaawac ku seegi doona kulanka Juventus

Macalinka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Valverde ayaa kooxdiisu u duuli doontaa Magaalada Torino xili ay duulimaadkaas ka baaqan doonaan 6 ka mid ah Cayaartoyda kooxda Barcelona kuwaas oo dhaawacyo qaba.

Kooxda Barcelona ayaa Juventus kula Cayaari doonta Garoonka Allianz Stadium kulan ka tirsan koobka Champions League  iyada oo u baahan oo kaliya 1 dhibic si ay kaalinta koowaad ugu soo baxaan Gruubka D ee ay kujiraan.

Barcelona ayaa waxaa dhaawac kaga maqnaan doona kulanka Arbacada ee ay qaabili doonaan Juventus Cayaartoyda  Rafinha, Dembele, Mascherano, Turan, Sergi Roberto iyo Andre Gomes Waxaana Macalinka kooxdaas u yeeray oo naadiga raacaya Cayaartoy da.yar oo ay ka midyihiin Ortala, Cuenca, Fali, Vitinho, Moises iyo Marc kuwaas oo dhamaantood ah Xiddigo aad u yar yar.

Goalkeepers: Ter Stegen, Cillessen, Ortolá
Defenders: Jordi Alba, Digne, Vidal, Umtiti, Vermaelen, Semedo, Piqué
Midfielders: Rakitic, Sergio Busquets, D. Suárez, Iniesta, Paulinho
Strikers: Suárez, Messi, Deulofeu, Alcácer

Fikradaha Akhristayaasha (0)