Granit Xhaka “Arsenal wey soo qaban kartaa Man City”

Cayaaryahan Granit Xhaka ayaa sheegay in kooxdiisa Arsenal karti u leedahay soo qabashada naadiga Man City oo horyaalka Ingiriiska hogaamineyso.

Man City waxay Arsenal ka sareysaa 12-dhibcood balse farqigaas Granit Xhaka wax walaac ah kuma heyso wuxuuna yiri “Waxaan u maleynaa kubada cagta ay wax ka suura gal yihiin”

Granit Xhaka oo Sky Sports la hadlaayay wuxuu yiri “Man City waqti xaadirkaan bandhig wacan ayay wadaan sidoo kalena kooxaha kalena dhibco ayay lumiyeen ama luminayaan laakiin City weli midaas lama kulmin laakiin waa wax dhici karo inay dhibco lumiyaan markooda”

Granit Xhaka oo 12-kulan Arsenal EPL u cayaaray wuxuu yiri “Waan ku kalsoonahay in Arsenal ay soo qaban karto Man City hadii aan bandhigeena wacan joogteeno sidoo kalena Man City ay bilaawdo dhibco lumin”

Fikradaha Akhristayaasha (0)