FALLANQEYNTA GROUP F: Manchester City VS Feyenoord, SSC Napoli VS Shakhtar Donetsk- SKY Blue Oo Kulan Baashaal Ah Ciyaareysa & Napoli Oo Halis Kujirta

Manchester City ayaa isha ku heysa inay xaqiijiso booskeeda kaalinta ugu sareysa ee Group-ka marka ay martigelineyso Feyenoord kulan ka tirsan Group F tartanka Champions League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa durbadiiba u soo baxday wareega isreebreebka, waxaana ay doonayaan in ay ku dhameysataan kaalinta koowaad.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Etihad Stadium

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Manchester City ayaa waxaa ka maqan daafaca John Stones kulanka ay booqanayaan Feyenoord, Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa lix isbuuc garoomada dhaawac uga maqnaan doona, laakiin daafaca dambeedka dhexe ee Nicolas Otamendi ayaa kasoo laabtay ganaax uu ku maqnaa.

Kabtan Vincent Kompany ayaa kusoo laabtay shaxda City kulankii Leicester, laakiin Pep ayaa heysta weli labada daafac kale ee Eliaquim Mangala iyo Tosin Adarabioyo.

Guardiola ayaa laga yaabaa inuu siiyo fursad Yaya Toure, Ilkay Gundogan, Danilo iyo Bernardo Silva, halka ciyaaryahanka England u dhashay ee Phil Foden iyo xiddiga xulka Spain U21 Brahim Diaz qeyb ay ka yihiin kulankaan.

XAQIIQADA KULANKA

Manchester City ayaa 4-0 ku garaacday kooxda heysata horyaalka Holland kulankii lugta hore, waxay aheyd markii ugu horeysay labadan koox kulmaan.

Feyenoord waxay awood u yeelatay inay diiwaan galiso hal guul kaliya todobadii jeer ee ugu dambeysay oo ay booqdeen kooxaha ka dhisan Ingriiska tartamada Europe.

Manchester City ayaa ah mid ka mid ah seddex kooxood oo ku guuleystay afar kulan dhamaan tartanka Champions League xili ciyaareedkaan, waxaa soo raaca Paris Saint-Germain iyo Manchester United.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Manchester City: Claudio Bravo; Danilo, Mangala, Otamendi, Delph; Gündoğan, Touré, Foden; Bernardo Silva, Agüero, Sterling.

Feyenoord: Jones; Nieuwkoop, Tapia, St. Juste, Haps; Amrabat, Vilhena, Toornstra; Berghuis, Jørgensen, Boëtius

Dhinaca kale isla Group-kaan waxaa caawa ku balansan kooxaha SSC Napoli iyo Shakhtar Donetsk

Fikradaha Akhristayaasha (0)