FALLANQEYNTA GROUP E: Sevilla VS Liverpool, Spartak Moscow VS Maribor- Reds Oo Caawa Rajo Ka Leh Wareega 16ka

Adam Lallana ayaa lagu soo daray shaxda kooxda Liverpool ee dooneysa in ay iska xaadiriso wareega 16ka Champions League marka ay u safrayaan caawa kooxda Sevilla.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa weli ciyaarin kulan tartan rasmi ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu ka soo kabsaday dhaawacii kasoo gaaray bowdada.

Liverpool ayaa hogaanka u heysa Group E, iyadoo leh sideed dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka sareysa kooxda Sevilla.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GARONKA: Ramon Sanchez Pizjuan  

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Daafaca Joel Matip oo ciyaarin kulankii Sabtidii ay Liverpool kaga badisay 3-0 kooxda Southampton ayaa markale shaki uu kujiraa.

Danny Ings, oo aan ha kulan weli u ciyarin kooxda koowaad ayaa laga saaray safrka Liverpool ee usafray Spain.

Kooxda Martida loo yahay ee Sevilla ma qabaan dhaawacyo cusub kulanka caawa ay soo dhaweynayaan Liverpool.

XAQIIQADA KULANKA

Sevilla ayaa labo jeer hore tartamada yurub ku wajahday kooxda Liverpool, waxaana ay 3-1 oo ay kaga qaadeen Europa League xili ciyaareedkii 2015/16 iyagoo sidoo kale barbaro 2-2 ah kula galay Anfield horaantii xilli ciyaareedkan.

Kooxda Isbaanishka ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartamada yurub.

Liverpool ayaa durbaba xaqiijisatay booskeeda Europa League, waxaana ay doonayaan in  ay gaaraan wareega 16ka Champions League.

Liverpool ayaa soo gabagabeyneysa afar kulan oo guul la’aan ah tartanka Chamoions League, markii ay 7-0 kaga badisay kooxda Slovenia ee Maribor.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Sevilla: Rico; Mercado, Kjær, Lenglet, Escudero; N’Zonzi, Pizarro; Correa, Banega, Sarabia; Ben Yedder

Liverpool: Mignolet; Alexander-Arnold, Lovren, Klavan, Moreno; Mane, Wijnaldum, Henderson, Coutinho; Firmino, Salah.

Dhinaca kale isla Group-kaan E, waxaa caawa kuwada ciyaaraya kooxaha Spartak Moscow iyo Maribor, kulankaan ayaa soo geli doona waqti hore oo 8:00 fiidnimo ah, madaama lagu ciyaarayo dalka Russia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)