FALLANQEYN GROUP H: APOEL Nicosia VS Real Madrid, Borussia Dortmund VS Tottenham Hotspur- Zidane & Wiilashiisa Oo Xaalad Xun Kujira

Zinedine Zidane ayaa isku diyaarinaya kulanka Real Madrid Champions League ku wajahayaan kooxda Apoel Nicosia, waana kulankii labaad ee todobaad gudihiis uu ciyaaro.

Real Madrid ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid Sabtidii, taasoo keentay in Barcelona ay kaga dambeeyaan 10 dhibcood horyaalka La Liga.

“Waxaan dooneynaa inaan soo bandhigno go’aanka aan ku soo kaban karno, waxaan nahay kuwo wax walba sameyn kara, waxaan muhiim u aragnaaa seddexda dhibcood” ayuu Zidane u sheegay realmadrid.com.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: GSP Stadium  

SAACADA: 10:45 Pm

MAXAA CUSUB? 

Real ayaa waxaa ka maqan Gareth Bale iyo goolhaye Keylor Navas mar kale, halka kabtanka Sergio Ramos uusan diyaar aheyn kulankaan ka dib markii uu sanka ka jabay kulankii derby Madrid.

Majiro dhaawacyo kale oo ay wajaheyso kooxda Zidane ka hor kulanka caawa, halka Apoel Nicosia dhankeeda aysan heysan dhaawaco cusub.

XAQIIQASDA KULANKA

Real Madrid ayaa badisay dhamaan seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Apoel Nicosia, iyadoo ka dhalisay 11 gool labo kamid ah kulamadaas.

Guul ay ka gaarto Real Madrid kulankaa ayaa u xaqiijin doonta booskeeda wareega 16ka Champions League xilli ciyaareedkan; inkastoo ay ku xirnaan karto natiijada Borussia Dortmund iyo Tottenham Hotspur in ay ku dhameysato booska sare.

SAFAFKA MACQUULKA AH

APOEL: Nauzet Pérez; Vouros, Carlão, Rueda, Lago; Nuno Morais, Vinicius; Zahid, Ebecilio, Aloneftis; Poté

Real Madrid: Casilla; Nacho, Varane, Vallejo, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modrić, Isco; Benzema, Ronaldo.

Isla Group-kaan waxaa caawa isaga hor imaanaya kooxaha Borussia Dortmund iyo Tottenham Hotspur, labada koox ee England iyo Germany ka kala dhisan kulankooda waxaa uu soo dhacayaa 10:45 Pm.

Fikradaha Akhristayaasha (0)