Dhaawaca Ramos Iyo Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sanku jabay ciyaartii barbar dhaca gool la’aanta ah ku dhamaatay Sabtidii ee Darbi Madrid oo ay kooxdiisu kaga hortagtay naadiga Atletico Madrid.

Kooxda haysata horyaalnimada naadiyada Yurub, Ayaan ilaa hadda xaqiijin ama sheegin wakhti cayiman oo laacibkooda difaaca birta ahi uu garoomada dib ugu soo noqon doono.

31 jir Ramos, ayaa waxaa si kama ah oo aan ula kac ahayn wajiga laag ugaga dhuftay ciyaaryahan Lucas Hernandez, wallow garoonka dhexdiisa kooxda caafimaadku daweyn ugu samaysay oo uu ciyaarta dib ugu soo noqday, haddana waxaa bedel lagu sameeyey qaybtii dambe ee ciyaarta.

“Wuu sii wadi kari waayay. Waynu eegi doonaa muddada uu garoomada ka maqnaanayaa intay qaadato,” ayuu yidhi tabobare Zinedine Zidane.

Naadiga Real ayaa imika 10 dhibcood oo nadiif ah ka dambeeya kooxda ay ficiltamaan ee Barcelona oo hogaanka u haysa horyaalka Spain ee La Ligaha.

Ramos wuxuu ku soo qoray bartiisa twitter ka fariin u dhignayd sidan: “Kumanaan goor ayaa sanka dhiig iga soo yaacay, oo aan ku dhiig baxay, harqadan, iyo funaanadan, Aad baad ugu mahadsan tihiin Taageeradiina. Waxaan garoomada ku soo noqon doonaa wakhti aanan sheegayn.”

Fikradaha Akhristayaasha (0)