Wararkii ugu waaweyn ee wargeysyadu qoreen maana oo Isniin ah

Kullan wacan dhamaan aqristayaasha shabakadda ciyaaraha ee Ciyaarside.com waxaan halakan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee wargeysyada ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Manchester City ayaa kula tartami doonta Liverpool saxiixa daafaca Southampton Virgil van Dijk oo 26 jir ah bisha Janaayo. (Daily Mirror)

City ayaa sidoo kale dooneysa inay keensato 22 jirka Schalke Leon Goretzka, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana sidoo kale uu soo jiitay Arsenal, Liverpool iyo Chelsea. (Daily Mirror)

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane oo 24 jir ah ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaato Spurs. (London Evening Standard

Weeraryahan Liverpool Daniel Sturridge, oo 28 sanno jir ah, ayaa diyaar u ah inuu ka tago Reds si uu u helo fursad uu ugu ciyaaro xulka England koobka adduuunka. (Daily Mirror)

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Mesut Ozil oo 29 sanno jir ah, waxaana laga yaabaa inay dalabka ku darto xiddiga reer Portugal Andre Gomes. (Don Balon – Isbanish)

Kabtanka kooxda Paris St-Germain Thiago Silva ayaa sheegay inuu si joogta ah xiriir ula leeyahay xiddiga qadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho, oo 25 sanno jir ah, waxaana uu rajeynayaa in saaxiibkiisa xulka Brazil kula soo biiro PSG ( Sky Sports)

Manchester City ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka 26 jirka ah ee Leicester Riyad Mahrez ka dib markii weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi uu diiday inuu xiddiga Algeria kula soo biiro Barcelona. (Don Balon – Isbanish)

Liverpool iyo Tottenham ayaa daawanaya 20 jirka khadka dhexe ee kooxda Sheffield United David Brooks. (Daily Express)

Bournemouth ayaa isku diyaarineysa inay bisha Janaayo dalbato daafaca 19 jirka ah ee Omar Richards. (Sun)

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)