Mid kamid ah tababarayaasha ugu magaca weyn horyaalka Ingiriiska oo shaqadii laga ceyriyey

Kooxda kubadda cagta West Bromwich Albion ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday maanta inay iska cayrisay tababaraheedii Tony Pulis.

West Brom ayaa guuldarro 4-0 Sabtidii kala kulantay Chelsea, taasoo 59-sano jirkaan uu ku waayey shaqada kooxda ka dhisan garoonka The Hawthorns.

Guddoomiye John Williams ayaa website-ka rasmiga ah ee kooxda u sheegay inay West Brom shaqada ka cayrisay tababare Tony, waxaana uu u rajeeyey nasiib wacan.

Pulis ayaa ka tagay kooxda West Brom oo fadhisa kaalinta 17-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana loo diiwaan geliyey 36 guul iyo 36 barbaro 121 kulan oo uu layliyey kooxda tan iyo markii uu xilkooda qabtay bilowgii 2015

Fikradaha Akhristayaasha (0)