Lionel Messi oo Jimcaha Gudoomaya abaal marin qaali ah?

Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa lacadeeyey in uu Maalinka Jimcaha gudoomi doono abaal marinta kabta dahabka ah kadib markii uu Noqdey Cayaaryahanka ugu Goolasha badan Horyaalada qaarada yurub.

Lionel Messi ayaa dhaliyey 37 Gool xiligii lasoo dhaafay waxaana uu ku guuleysan abaal marinta Golden Boot Markiisii 4 aad waxaana uu lasinmi doonaa Cristiano Ronaldo oo horay ugu guuleystey afar jeer.

Messi ayaa kaga Guuleystey abaal marinta kabta dahabka ah Weeraryahanka Naadiga dalka Portugal ee Sporting CP Bas Dost, Waxaana uu Horay ugu Guuleystey xiliyadii 2009/10, 2011/12 and 2012/13.

Fikradaha Akhristayaasha (0)