Maxaad Kala Socotaa Kooxaha Xalay Ku Ciyaaray Magalada Madrid ee Derby Madrid;

Kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa bar-baro isla dhaafi waayay kulan xiisa lahaa oo ka tirsanaa horyaalka La Liga asbuucii 12-aad.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar qurux badan  oo ay sameeyeen fursado goolal lagu dhalin karay.

Labada goolhaye ayaa inta badan iska diiday fursado badan oo goolal loo filan  karay waxana ay labada goolhaye diideen in shabaqooda lasooo booqdo..

Kooxda Real Madrid  ayaa intabadan ciyaarta  maamusha sida caadiga ah marka ay dhacayso derby Madrid,

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Atletico Madrid ahayd koox la weerartamaysa kooxda Real Madrid iyaga oo dhawr fursadood helay laakiin aan dhalin wax gool ah.

Goolhaye Oblak ayaa sidoo kale ahaa goolhayaha lafta dhuunta gashay ku noqday Ronaldo iyo realmadrid, maadama uu kubado badan oo goolal loo arko uu badbaadiyey.

Kooxda Real Madrid ayaa wax walba u samaysay daqiiqadihii dambe si ay gool u dhaliso laakiin fursadihii ay goolasha ku dhalin lahayd ayay iska khasaariyay awoodna u yeelan wayday in ay shabaqa Atletico Madrid kubad gaarsiyaan

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. yazka says:

    reall Madrid xly kuubdaa diiday balse lugta danbe ayaa barnabu Ku garaacayna