Ciyaar tii Derby Madrid oo Dhaawac Uu Ka Soo Gaaray Ramos, Hadaba Dhaawacaas Halkee Ayuu Ka Soo Gaaray?

Daafaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa sanka dhaawac ka soo gaaray  sida ay sheegtay kooxda.

Kabtanka waxaa wajiga laad kaga dhuftay daqiiqadii 35aad ciyaaryahanka Atletico Madrid Lucas iyadoo lagu dhex jiro xerada ganaaxa ee kooxda Atletico islamarkaana uu Ramos isku dayayay inuu kubad ku madaxeeyo goolka.

Ka dib markii ay uu laad ku dhacday Ramos waxa uu dhulka ku dhacay isagoo dhiig badan uu ka baxayo sankiisa. Dhakhtar ka mid ah dhakhaatiirta kooxda ayaana joojiyay dhiiga iyadoo ciyaaryahanka uu qeybtii hore ku dhameystay isagoo laga cubay duleelada sanka, laakiin ma uusan soo laabanin qeybtii labaad, iyadoo Nacho uu booskiisa bedelay.

Kaliya Real Madrid ma aysan waayin kabtankooda Ramos, laakiin sida uu sheegay garsoore hore oo Isbaanish ah, waxa ay aheyd in rigoore loo dhigo madaama madaxa laga laaday.

Laakiin waxaa hubanti ku dhow in ciyaaryahanka uusan u safri doonin Cyprus kulanka Champions League ee ay habeen Talaadada la ciyaarayaan kooxda APOEL. Real Madrid ayaa qarka u saaran inay u soo baxdo wareega 16ka taasoo la micno ah in tababare Zidane uu dalban doono in Ramos uu gurigiisa iska sii joogo islamarkaana uu ka soo kabsado jabniinka sanka ka soo gaaray sida ugu dhakhsiyaha badan.

10 sannadood ka hor sannadii 2007, waxa ay isku dhaceen xiddiga Bayern Munich Roy Makaay taasoo keentay inuu sanka ka jabo. Seddex maalmood ka dib markii uu sanka ka jabay, daaficii hore ee Sevilla ayaa dhaliyay goolkii furitaanka ee El Clasico ee Camp Nou.

Fikradaha Akhristayaasha (0)