Madrid Derby oo Ay Cawa Goobjoog Ka Noqon Doonta Hooyada Dhashay Labo Xiddig oo Ku Hardami Doona Derby Madrid;

Kulanka Madrid Derby ayaa la sugayaa iyadoo markii ugu horeysay lagu ciyaari doono garoonka Wanda Metrapolitano, balse kulankaan wuxuu qaas u yaha Py Laurence oo ah hooyada dhashay xidigaha Lucas Hernandez iyo Theo Hernandez.

Majaladda Marca ayaa gurigeeda ku booqatay Py Laurence waxeyna ka qaadeen wareysi dheer oo  ay kaga hadashay dhinacyo badan oo ku saabsab mustaqbalka wiilasheeda.

Waa markii ugu horeysay oo ay labadaan wiil si ka fool-fool ah isaga hor yimaadaan iyagoo kala matalaya labada kooxood ee Atletico Madrid & Real Madrid, waana markii labaad oo ay laba walaal ah isaga hor imaanayaan kulankan Madrid Derby, waxaana ka horeeyay walaalaha Olaso sanadkii 1929.

Laurence ayaa shaaca ka qaaday iney aad u adag tahay kala doorashada labadeeda wiil iyadoo si wadajir ah guul ugu rajeysay, sidoo kale waxey qirtay iney uwada dagaalami doonan guusha kooxa hooda oo mid kasta raadin doono guusha kooxdiisa.

“Waxaan u raaci doonaa garoonka caruurteyda, balse midna garabkiisa ma istaagi karo” ayey tiri Py Laurence

Py Laurence oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri

Ka hor kulanka waxaan u sheegi doonaa in ay san isku dhicin oo aysan qaadin xamaasad ciyaarta.

Way dagaalami doonan laakiin waa in ay ogaadaan in ay walaalo yihiin .

Aad bay sharaf iigu tahay “ cidna wax kama waydiinayo arimaha wiilashayda laakiin waxaan samayn doonaa in aan mid kasta u sacabtumo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)