Liverpool Oo Xiddigoodii Hore ee Steven Gerrard Magaciisa u Adeeg Satay Xiddig Reer North Korea; Waa Kuma Xiddigaas?

Isku day ay Liverpool ku dooneysay inay kula soo wareegto weeraryahan mustaqbal leh ee reer north korea ayaa fashilmay ka dib markii ay soo baxday in ciyaaryahanka uusan garaneynin qofka uu yahay Steven Gerrard.

Madaxda Reds ayaa magaca halyeeygooda Gerrard doonayay inay u isticmaalaan soo xeragelinta da’ yarka u dhashay North Korea, Han Kwang-song oo markaas ku jiray akadeemiga ISM oo ah iskuul ku yaala Corciano, Perugia ee dalka Talyaaniga.

Waxaana ay aheyd qorshe ay Liverpool hore u isticmaashay oo ay ku soo jiidanayeen da’ yarta marka ay u sheegaan inay la shaqeyn donaan Steven Gerrard.

Laakiin Han ayaa ku jawaabay: “Waa kuma Gerrard?”

Geesiga kooxda Liverpool oo 37 sanno jir ah ayaa haatan tababare ka ah kooxda juunyeerka ee da’dooda ay ka hooseyso 18 sannadood, taasoo la micno ah in Han maalintiisii ugu horeysay ee Melwood ay noqon laheyd mid wajigabax ah.

Han oo 19 sanno jir ah waxa uu haatan ka ciyaaraa Serie A isagoo amaah uga soo maqan Cagliari islamarkaana u ciyaaraya Perugia.

Agaasimaha kooxda Perugia Dominici ayaa sheegay in Liverpool, Manchester City iyo Fiorentina ay dhamaantood xiiseynayeen inay la wareegaanda’ yarkaan.

Waxa uu dhaliyay lix gool waxaana uu caawiye ka noqday hal gool kale 11kii kulan ee ugu horeysay ee uu u ciyaaray Perugia.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)