Livepool oo Markale u Dhaqaaqi Doonto Mbodji Anderlecht,

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa  in ay markale  ku biirtay baacsiga loogu jiro kabtanka xulka qaranka Senegal ee Kara Mbodji una ciyaara kooxda Anderlecht iyada oo doonaysa in ay u dhaqaaqaan January.

Daafaca dhexe oo sidoo kale ka ciyaari kara khadka dhexe ayaa lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda reer Belguim kadib markii uu wakiilkiisu xaqiijiyay in uu xiddigu xiiso ka helayo kooxo badan

 

Wakiilka ayaa xaqiijiyay in kooxo Italy,Spain,Turkey iyo waliba kooxo 5 ah oo premier league ah ay xiiso u qabaan xiddigan.

Liverpool ayaa dhankeeda raadinaysa xoojin dhanka daafaca ah ah si ay u joojiso goolasha badan ee laga dhalinaya xilli ay Mbodji u calaamadsatay xiddig xalin kara dhibaatadooda.

 

28 jirkan ayaa lagu qiimeeyaa 10 milyan oo euro waxana ay Reds u aragtaa mid uga jaban Virgil van Dijk Kaas oo ay ku fashilmeen saxiixiisa.

Mbodji ayaa la aaminsan yahay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Liverpool isaga oo halkaas kula midoobi doona Xiddiga ay isku Xulka yihiin ee Sadio Mane

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)