Kooxood Oo Real Madrid Raadinaya Laacibiin La Dhabar u Ah;

Kooxda Real Madrid ayaa saddex kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub ka heshay dalab ku aadan  helitaanka xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric sida ay sheegayaan wararku.

Kooxaha Man United,Paris Saint-Germain Iyo Juventus ayaa dhamaantood Real Madrid wax ka waydiiyay helitaanka xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric.

Modric ayaa wakhti qurux badan ku qaatay Bernabeu tan iyo markii uu kooxda spurrs kaga soo biiray sanadkii 2012 xilligaas oo uu kooxda ugu biiray 30 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa kooxda u saftay 200 oo kulan waxana uu kula guulaystay horyaalka La Liga Copa del Rey Iyo Saddex Champions Leagues.

Hase ahaatee xiddigan ayaan kulamo badan kooxdiisa u dhamaysan isaga oo inta badan badal ku soo gala ama badal ku soo baxa qaybta dambe ee ciyaarta.

Tababaraha Man United ee jose oo Modric keenay Real Madrid 5 sano ka hor ayaa taageero weyn u ah xiddigan kubad sameeyaha ah.

Hadii ay jirto fursad lagu helayo Jose ayaa doonaya in uu Old Trafford keeno si uu khadka dhexe ugu lamaanaysiiyo dheemanka madow Poul pogba.

Xiddigan reer Croatia ayaa la sheegayaa in aanu ku faraxsanayn ku bilaabasha la,aanta ciyaaraha waxana uu shir la qaatay Tababare Zidane isaga oo arintaas kala hadlay.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in uu xiddigan ka niyad jabsan yahay sida uu tababare Zidane ula dhaqmayo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)