Xulka Italy Oo 42 Sano Kadib Macasalaameeyey Koobka Aduunka;

Xulka qaranka Italy ayaa si Rasmi ah uga haray koobka adduunka  Russai 2018 ka dib 42 sano iyo markii saddexaad ee taariikhdooda kadib markii uu xulka qaranka Sweden bar-baro 0:0 ah kala kulmeen san siro lugtii 2-aad ee kulamada Play off-ka.

Sweden ayaa kulankii lugtii 1-aad Italy uga soo badisay 1:0 taas oo Sweden ka caawisay in ay koobka adduunka u soo gudubto markii 11-aad ee taariikhdooda.

Kulanka ayaa aha mid xiiso leh oo uu xulka Italy wax walba u sameeyay sidii uu gool u dhalin lahaa laakiin xulka Sweden ayaa si fiican u difaacday iyaga oo diiday in ay Italy shabaqooda soo booqdaan.

ciyaarta bilowgeeda ilaa laga gaaray dhamaadkeeda waxa weerarka qaadaysay xulka Italy iyaga oo sameeyay fursado fiican oo goolal loo filan karay laakiin umay suuro galin in ay dhalinyaan wax gool ah.

Waxa sidaas ugu dhamaatay ciyaarta oo ay labada xul isku dhaafi waayeen bar-baro 0:0 ah xilli Sweden u soo baxday koobka adduunka Russia 2018.

Waa Kuwan Qaramada Sida Tooska ah u Xaqiijiyey Booskooda Koobka Aduunka

Yurub: Russia,Germany,Spain,Belguim,England,Poland,Portugal, Iceland,Serbai, Frnace,Switzerland,Croatia, Sweden

Asiya: Saudi Arabia,Iran,South Korea,Japan

Waqooyiga Ameerika: Mexico,Panama,Costa Rica

Koonfurta Ameerika: Brazil,Uruguay,Colombia, Aregntine

Africa: Masar,Nigeria, Senegal.Morocco,Tunisia

Fikradaha Akhristayaasha (0)