Maxaa Ka Cusub Manta Suuqyada Yurub ee Kubada Cagta;

Waxaa aalaaba sanadkii labo jeed furma suuqa kala iibsiga ciyaar yahanada qaarada yurub hadaba website ka ciyaarside  waxaa uu saaka idiin soo gudbinayaa  macluumaadkii ay saaka ka qareen website yada  yurub iyo waliba kuwa somalida

Hadba  waxaan xigasho ku soo samaynay ila wareeryo lagu kalsoon yahay

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabta daafaca bidix ee reer Argentine ee Enzo Diaz kaas oo u ciyaara kooxda horyaalka heerka 2-aad ee Argentine ee Agropecuario (Daily Mail).

Kooxda Man city ayaa ku biirtay kooxaha xiisaha u qaba xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda schalke ee Breel Embolo (Daily Mail).

Weeraryahanka Antoine Griezemann ayaa la filayaa in uu iska diido kooxaha Man United iyo Barcelona kadib markii uu qirtay in uu ku riyoodo in uu u ciyaaro kooxda PSG (Daily Star).

Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxda ugu cad-cad ee ugu dhaw saxiixa xiddiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentine ee Javier Mascherano iyaga oo heli doona saxiixiisa January (Daily Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah go,aan ugu gaartay in ay iibiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Gareth Bale Marka la gaaro January (Marca).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay shaqada ka cayrin doonto Jurgen Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uuna wax koob ah ku guulaysan ama uuna kooxda ku hogaamin sida laga soo xigtay Duncan Castles (Daily Express).

Fikradaha Akhristayaasha (0)