Jarmalka Ayaa Lagu Wadaa In Ay Ku Soo Laabtaan Xerada Tababarka Ee Cologne Sida Mesut Ozil Iyo Tababaraha Xulka Ka Hor Kulanka Saaxibtinimo ee Ay La Leeyihiin France

Ciyaartoyda Jarmalka ayaa soo dhaweeyay kulan saaxiibtinimo oo ay la yeesheen Faransiiska iyagoo tababar ku qaatay magaalada Cologne habeenimadii isniinta.

Ciyaartoyda muhimka ah ee Mesut Ozil, Toni Kroos iyo Mats Hummels ayaa dhamaantood ka qeyb qaatay kulan ay la ciyaarayeen Faransiiska waxaan qayb ka ahaa  garabka Manchester City Leroy Sane.

Tababaraha Joachim Low ayaa daawanayay sidan xiddigiisaha  udheelayeen, iyadoo Mario Goetze, Timo Werner iyo Sandro Wagner ay dhamaantood soo bandhigeen ciyaar aad  cajiib u ah oo uu la dhacay  tababaraha qaran Joachim Low

Jarmalka ayaa martigelisay Didier Deschamps ‘France kulankii RheinEnergie Stadium ee magaalada Cologne habeenkii Talaadada ka dib labo kulan oo saaxiibtinimo oo ay ciyaareen xulka qaranka germany.

Kooxda difaacaneysa Koobka Adduunka ayaa ciyaartay kulankii barbaraha gool la’aanta ee ugu danbeysay ee ay ka soo gaartay koox Ingriis ah Jimcihii Wembley.

Fikradaha Akhristayaasha (0)