Tiemoue Bakayoko Oo Ka Carooday Inaan Looga Soo Yeerin Xulka France: Wuxuuna Magacaabay Ciyaar Hayno Usheegay In Aysan Kafiicnayn,Hadaba Waa Kuma Ciyaar Yahanadan ?

Isagoo ka soo tagay xagaagii kooxda Monaco, xiddiga reer France Tiemoue Bakayoko ayaa bilaabaya inuu saldhigto khadka dhexe ee Chelsea.

23 jirkaan oo dhaawac ahaa bilowgii xilli ciyaareedkan ayaa waxaa loo keenay inuu bedel u noqdo Nemanja Matic, markii matic  uu sheegay in uu ka hayaamayo Chelsea waxaana booska buuxiyey bakayoko ka dib xilli ciyaareed fiican uu ku soo qaatay dalkiisa France.

“Waxaan qabaa in Tolisso,Rabiot, Kanté, Matuidi, aysan iga fiicneyn aniga” ayuu Bakayoko hadalkiisa raaciyay. “Waan ixtiraamayaa doorashada tababarha, sidoo kalena waan ixtiraamayaa ciyaartoyda la soo xushay, waa kuwa tayo leh waa saaxiibadeey. Waan jeclahay  in la xushay iyaga, waana jeclaan lahaa inaan iyaga la joogo. Laakiin ma ahi ciyaaryahan iyaga ka xun ayuu yiri bakayoko oo la hadlayey france

Fikradaha Akhristayaasha (0)