Karim Benzema Oo Tilmaamay In Cristiano Ronaldo Uu Yahay Daneyste Iyo Arimo Kale oo uu Ka Hadlay

Wareysi uu weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema siiyay hilinka Faransiiska ee Canal+ ayuu kaga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay dabeecada Cristiano Ronaldo, oorinta uu kala kulamo jamaahiirta kooxda Real Madrid iyo xiriirka xun ee kala dhaxeeya tababaraha xulka Faransiiska Didier Deschamps.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa sheegay in xiddiga ay isku kooxda yihiin ee reer Portugal inuu yahay mid ka daneysi badan isaga.

“Ronaldo waa daneyste marka aniga la ii eego, laakiin waa wax iska caadi ah” ayuu Benzema sharaxaad ku bixiyay wareysigii uu siiyay Canal+.

“Si fiican ayaan isku fahamnaa, waana jeclahay inaan la ciyaaro isaga.  Daneystenimadiisa ima dhibto, waxa ay u fiican tahay kooxda.”

Weeraryahanka Real Madrid ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymaha uu kala kulmo jamaahiirta kooxdiisa, isagoo sheegay inay dhaawacdo.

“Aad ayay u adag tahay gaar ahaan marka la joogo Spain, mararka qaar ma fahmeysid sababta” ayuu qirtay.

“Qeybta ugu adag ayaa ah marka ay eedeymaha kaaga yimaadaan taageerayaasha kooxdaada.

“Caadiyaan waxa ay garoonka u joogaan inay kalsoonidaada dhisaan.”

Iyadoo Benzema uu weli ka maqan yahay xulka Faransiiska ee tababare Didier Deschamps hadana waxa uu weeraryahanka Real Madrid qirtay inay u cadahay inuusan qeyb ka noqon doonin Koobka Adduunka ee Russia.

“Waa arin adag, ma ahi doqon laakiin waxaan doonayaa inaan wax kula guuleysto wadankeyga” ayuu yiri. “Waan jeclahay kubada cagta, waan jeclahaya tartamadaan.

“Cadaadiska in guul lala gaaro wadankaaga waa wax kale, waxaan rajeynayaa inay xaaladeyda isbedesho.”

Benzema ayaana qirtay in inta uu France tababare ka yahay Didier Deschamps inuusan fursad u heysanin inuu ka mid noqdo xulka qarankiisa mar kale.

“Ilaa iyo inta uu Deschamps tababare yahay, fursad uma heli doono inaan ku laabto xulka qaranka” ayuu yiri.

“In ka badan labo sanno iyo bar ayaa laga joogaa, cid walba ayaa fahmi karta waxa meesha ka socda. Waa shaqsi aan ixtiraamo, laakiin dusha ayuu i soo xejiyay, waana ay i dhaawaceysaa.”

Fikradaha Akhristayaasha (0)