Hordhac: Italy Iyo Sweden Talyaaniga Oo Halis Ugu Jira Inay Seegaan Koobka Adduunka 42 Sano Kadib,

Italy ayaa wajaheysa xalad ay ku seegaan karaan  Koobka Adduunka markii ugu horeysay 42 sano kadib oo ay ku hungoobaan inay natiijo fiican kaga badiyaan kulanka caawa ee lugta labaad ee kala baxa ee ay garoonka San Siro kula ciyaarayaan xulka Sweden.

Talyaaniga ayaa ku guuldareystay inay wacdarro dhigaan kulankii lugta hore ee ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Sweden inkastoo ay si fiican u dheelaan qeybtii labaad ee ciyaartaas, waxaana ay u baahnaan doonaan guul weyn si ay u xaqiijiyaan  booskooda Russia 2018. Dhankale Sweden waa ay ka warqabaan in gool marti ah oo ay ku dhaliyaan Milan inay la micno tahay in Talyaanigu u baahan yahay inay dhaliyaan seddex gool si ay u soo baxaan.

Kulanka caawa ee San Siro ayaa noqon kara kulankii ugu danbeeyay ee tartan rasmi ah ee xulka Talyaaniga ee uu safto kabtan Gianluigi Buffon haddii Italy ay u soo bixi weyso Koobka Adduunka. Goolhayaha Juventus ayaa dhawaan xaqiijiyey inuu ka fariisanayo ciyaaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo doonayo inuu markii shanaad isagoo ciyaaryahan ka soo muuqdo Koobka Adduunka.

Hal ciyaaryahan oo muhim ah oo ka maqnaanaya Italy waa xididga khadka dhexe Marco Verratti. Ciyaaryahanka Paris Saint Germain ayaa calaamada jaalaha ama hurdiga ah qaatay ka dib markii uu qalad ku galay weeraryahanka Sweden Marcus Berg. Xiddiga khadka dhexe ee Napli Lorenzo Insigne ayay u badan tahay inuu booskiisa buuxin doono.

Xulka tababare Ventura ee Italy ayaa u baahan goolal, waxaana ay ka sugayaan inuu weerarka hogaamiyo Simone Zaza. Weeraryahanka Valencia ayaa kulankii lugta hore ku seegay dhaawac, waxaana uu waajahayaa baaritaan xilli danbe ah si uu taam ugu noqdo kulanka caawa.

 

Dhanka xulka Sweden, tababare Janne Andersson ayaa heysta koox wada taam ah waxaana uu ku soo shirtagi doonaa shax la mid ah tii lugta hore, iyadoo Sweden ayaa raadineysa inay u soo baxdo Koobka Adduunka markii ugu horeysay  11 sano kadib.

Italy v Sweden

Lugta 2aad Ee Play-offs-ka Koobka Adduunka

Lugtii hore: Sweden 1-0 Italy

Garoonka: San Siro

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Antonio Mateu (Spain)

SHAXDA MACQUULKA AH:

Italy (3-5-2):

 Buffon;  Barzagli,   Jorginho, Danielle de Rossi,  Bonucci, Chiellini; Candreva, Lorenzo Insigne,Marco Parolo; Immobile, Simone Zaza

Sweden (4-4-2):

Olsen; Lustig,Augustinsson;  Lindelof, Granqvist, Johansson,Claesson, Larsson,  Forsberg; Toivonen, Berg

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)