Warbixin; Phil jone oo Dhaawac soo Gaaray Warbaahintana ee Dayn Dusha Uga Tuuray.

PHIL JONES Daafaca dambe ee kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inuusan qabin  dhaawac xoogan waxaana xidigaan uu ka carooday dadka buun buuniya dhaawiciisa.

Difaacaan ayaa dhaawac looga saaray garoonka kulan xulkiisa England uu wajahay xulka Germany ,waxaana kadib la bilaabay in saxaafada ay buun buuniso ciyaaryahankaan iyo halista uu galay.

Jones ayaa qaba inuusan qabin dhaawac weyn balse waxaa uu aminsan yahay inay tahay jug mar walba soo laalaabata oo jilibka ah sidaas darteeda waxaa uu si kulul u cambaareeyey dadka buun buuniya dhaawiciisa.

Xidigaan ayaa laga yaabaa inuu lasii joogo xulkiisa ,waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka England ay la ciyaaridoonaan xulka Brazil.

balse 25 sano jirkaan xaaskiisa waxaa ay sheegtay inuusan markale halis gelin doonin naftiisa, sababtoo ah xaalada dhaawac ee kooxdiisa waa mid aad u daran oo mar walba laga rabo inuu is ilaaliyo.

Manchester United ayaan rajo ka lahayn ciyaaryahankaan inuu u ciyaaro , sababtoo ah xidigaan waxaa uu keliya iska leexinayaa muranka iyo sidoo kale dhibaatada ay ku haayaan dadka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)