Ronaldo: oo Baaq U Diray Madaxda Realmadrid;

Laacibka garabka uga ciyaara kooxda real madrid  ee Ronaldo ayaa  ka  hadlay dhibaatooyinka guuladarooyinka ah  ee soo gaaray kooxda real madrid waxaa uuna  sheegay inn uu ka niyad jabsan yahay  natiijadii ay kala kulmeen kooxda reer England  ee spurs waxaa uuna aad  u dhaliilay maamulka kooxda   Ronaldo oo hadlaya ayaa yiri sida

Waxaan arkaa in aan wajahayno dhibaatooyin naatiijo xumo oo naga soo gaaraya kooxaha yurub

Taas waa wax iska caadi ah intaad tartanto lagaa badiyo ama aad badiso waa kubada ayaa iska leh arintan,

Waxaan dheelay kulamo badan waxaan la kulanay natiijooyin kala duwan sida tii naga soo raacday wenbely waxaad moodaa in aan daalanahay dhamaantayo markaan eego naftay oo aan arko ramos iyi waliba bale oo inta badan nooga maqanaa dhaawac,

Dhinaca kale waxaa sanadkan laga diray  kooxda ciyaar yahano badan oo da,yar iyo kuwa khibrad leh isugu jira sida, Pepe, Fabio Coentrao, James Rodriguez iyo Alvaro Morata  dhaman lama buuxin boosaskoodi ayuu yiri ronalda  oo u waramayey dailymail

Fikradaha Akhristayaasha (0)