Kooxda Acmilan Iyo Qorsha Heeda Suuqa Janaury Hadaba Maxaad Kala Socotaa?

Kooxda dhibaatoonaysa ee Ac Milan ayaa la sheegayaa in ay dagsatay qorsheheeda suuqa kala iibsiga ee bisha soo socota ee January sida ay qorayso CalcioMercato.

Wargayska ayaa qoraya in Agaasimayaasha kooxda ee Marco Fassone Iyo Massimiliano Mirabelli ay bilaabeen in ay hoosta ka xariiqaan meelaha ay kooxdu u baahantahay in laga xoojiyo laakiin ay lacata suuqa la galin doono ka yaraan doonto midii suuqii xagaaga.

Fikrada ugu weyn ee gacanta adag lagu qaban doono ayaa ah khadka dhexe maadama ay maamulka sare aaminsan yihiin in ay kooxdu boosaska kale ka adag tahay si ay kooxdu natiijo fiican u gaarto xilli ciyaareedkan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)