Italy Oo Lugta Labaad Ee Kulanka Sweden Weyneysa Marco Verrati , Haba Maxaa Soo Wajahay?

Qaranka Italy ayaa la kulmay guul daro intii lagu jiray kulankii lugta 1-aad ee kulamada Play off-ka ee loogu soo baxayo koobka aduunka ee xagaaga 2018-ka lagu qabanayo Russia ee ay la soo ciyaareen Sweden .

Kulankaas ayaa Italy waxaa looga soo badiyay hal gool oo nadiif ah oo laga dhaliyay daqiiqaddii 61-aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta

Bogga Football Itali ayaa sheegaya in qaranka Italy ay lugta labaad ee garoonkooda ay weynayaan qadkooda dhexe Marco Verrati sababa la xariira ganaax ku dhacay

Verrati ayaa kaarka digniinta qaatay daqiiqaddii 29-aad ee qeybta hore waxaana sidaas isugu dul saarmay kaararka digniinta waxa uuna ku seegayaa lugta labaad ee Play Off-ka

Kulankaas labaad ee ka dhacaya Italy ayay labadaas qaran waxa ay isniinta ku ciyaarayaan garoonka San Siro
Verrati ayaa lagu tirayaa xiddigaha ugu muhiimsan qadka dhexe qaranka Italy

Fikradaha Akhristayaasha (0)