Fadeexad Cusub Oo Soo Foodsaartay Sepp Blatter, Hadaba Waa Maxay Sababta ?

Wareysi ay siisay warbaahinta Portugal ee Expresso, waxa ay gabadhaan sheegtay in Sepp Blatter uu ka qabtay barida ama xaga danbe taasoo xadgudub weyn ah.

Hope Solo ayaa bixineysay abaalmarinta xiddigta sannadka adduunka iyada iyo 81 jirkaan Blatter markii uu xadgudubkaan dhacayay.

Afhayeen u hadlay Sepp Blatter ayaa hoos u dhigay eedeyntaan, waxaana uu beeniyay inay dhacdayba.

Waxa uu yiri: “Eedeyntaan waa mid doqonimo ah.”

Iyadoo la hadlaysay Expresso, waxa ay goolhayihii hore ee USA ay sheegtay in Blatter uu xaga danbe ka qabtay wax yar ka hor inta aysan korin masraxa oo aysan abaalmarinta bixinin

Fikradaha Akhristayaasha (0)