Lionel Messi Oo Ay Arin Cajiib Ah Dhex Martay Laacib Ay Isku Qaran Yihiin

Lionel Messi ayaa raali galiyay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Sebastian Driussi kana ciyaara dalka russia una ciyaara kooxda reer Russia ee Fc Senti kadib markii uu aqoonsan waayay wakhti ay sawir wada galayeen.

Xulka qaranka Argentine ayaa haatan ku sugan Russia si ay halkaas ugu ciyaaraan kulan saaxiibtinimo waxana ay dhacdadan ka dhacaday hotel ay galeen xiddigaha xulka ee ku yaala Moscow messi ayaa  yiri

“Waan ka xumahay maxaa yeelay maan aqoonsan isaga, inkasta oo aan u malaynayay in aan garanyo”ayuu yiri Messi

“Markii uu i waydiistay in aan sawir la galo waxa aan u malayeeyay dadka mar kasta suga sawirka waanan ka raali galiyay intaa kadib”.

Kabtanka Argentine ayaa raali galiyay markii uu arkay Driussi oo Instagram soo dhigay sawirka waxana uu u diray fariin.

“Markii aan ku arkay Hotel aan moodayay qof kale mana aanan aqoonsan”ayuuu sii raaciyay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)