Real Madrid Ayaa lasoo Sheegayaa In Ay Ku Fakarayso Dib Usoo Celinta Mariano Diaz

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aan ku gaartay in ay dib u soo celiso weeraryahanka wacdaraha ka dhigaya kooxda  horyaalka farance ee lige one iyo naadiga Lyon ee Mariano Díaz kaas oo xagaagii ku biiray kooxda Reer Farance.

Xiddigan ayaa xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday isaga oo dhaliyay 9 gool 12 kulan oo uu ilaa haatan saftay horyaalka Frnace.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Rabitaanka Real Madrid ee soo celinta xiddigan uu ka dambeeyo tababare Zidane kaas oo la dhacay horumarka cajiibka ah ee uu sameeyay weeraryahanku.

Kooxda Real Madrid ayaa 50% leh xuquuqda Mariano halka ay Lyon dookh u leedahay in ay xiddigan si toos ah ula wareegto mustaqbalka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)