Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Diiday Kooxda Barcelona Oo Ay Ku Doonaysay Philippe Coutinho ;

Kooxda Barca ayaa lagu soo waramayaa in ay dhigeeda Liverpool miiska u saartay dalab Rasmi ah oo dhan 105 milyan oo euro oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Philippe coutinho marka la gaaro suuqa kala iibsiga bisha January.

balse kooxda Liverpool ayaa diiday dalabkaas ay Barca ka soo gudbisay xiddigan reer Brazil oo u sheegay in ay kor u qaadaan kana dhigaan 150 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xidigan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)