Halyeygii Hore ee Real Madrid Casillas oo dib ugu Soo Laabtay Magalada Madrid Muxuu ka Hadlay?

Casillas, oo ah saaxiibkiisii hore ee Zidane oo haatan u ciyaara FC Porto, ayaa aaminsan in Real ay soo celin karto wax walbo oo ay ka soo kabato xilli ciyaareedkooda.

 

‘[Natiijooyinka niyadjabinta] kaliya ayaa sii wadi doona inuu sii xoogeysto,’ ayuu yiri Casillas oo u waramay Omnisport ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta Golden Foot Hublot ee Monaco habeenkii Talaadada¬† Casillas oo hadlkiisa sii wata ayaa yiri

“Qof walba waxa uu sugayaa qalad ka yimid Real, laakiin waa koox guuleysatay laba Champions League oo isku xigta, qofna ma sameyn karo arintaas

“Sidaasi darteed sida muuqata ma ahan qaab ciyaareedka ugu fiican ee haatan La Liga, islamarkaana lumiyay kulankii Tottenham, laakiin waa inaan sugnaa¬† naatii jooyinka kuwan xiga ayuu yiri hal yeygii hore ee kooxda realmadrid iyo qaranka spain.

“Weli waxaa jira ciyaaro badan oo ay ku imaanayaan horyaalka La Liga. Sidoo kale waa isku mid Champions League. Wax walba waxaa la go’aamin doonaa Febraayo. ‘

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)