Dabaal Degin Gool Aan Real Kaga Dhaliyo Hadaba Waa Maxay Labadan arin?

Chelsea ee Alvaro Morata ayaa ka hadlay waxa dhici kara haddii ay dhacdo in kooxdiisii hore Real Madrid uu gool uga dhaliyo garoonka  Santiago Bernabéu

Morata waxa uu ka sheegay warsidaha  El Bernabéu” in uu ku dabaal dago Santiago Bernabéu? maya ma awoodi karo arintaas in aan sidaas sameeyo Weeraryahanka

” Saaxibo sare ayaan ku leeyahay Real sida Isco , Ramos ,Nacho iyo Cravajal sidaa darteed ayaan u sameyn Karin  in aan dabaal dego xittaa markii aan Juve joogay ee aan shabaqooda  soo taabtay  garoonka Santiago Bernabéu madbaal dagin waayo aniga waxaan ahay Madridi”.

” Waligeey uma dabaal degi doono gool aan ka Real madrid kaga dhaliyo  Santiago Bernabéu, Real darteed ayaan xiddig u ahay , wax waliba ayay i qabteen dartood ayaan uga mid noqday qaranka Spain una tagay kooxaha Juve iyo Chelsea” ayuu sii raaciyay Morata  oo hadal kiisa sii wata

Mar wax laga weydiiyay Morata xaaladda Real ee xilli ciyaareedkaan ayuu Morata yiri ” koox waliba waa ay soo maraan marxaladda haatan Real ku jirto , waana hubaa in sanadkaan ay ku guuleysanayaan horyaalka Spain iyo koobab kalaba”.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)