Barcelona Iyo Sergio Roberto Oo Isku Dhagan Iyo Juventus- oo Indhaha Ku Haysa;

Ilo  wareedyo  kasoo baxa dalka spain ayaa qorayaan Sergi Roberto uu gaashaanka u ku dhuftay in uu hishiiska u kordhiyo kooxda barca ka dib kullan dhex maray maamulka Barca iyo wakiilkiisa,

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in wakiilka Sergio uusan natiijo lataban karo la gaarin maamulka Barca oo ku aadan in laacibka uu qandaraaska kordhiyo,

Wargeyskaas ayaa tilmaamaya in sababta laacibkaan uu ku diiday dalabkaas Barca ay tahay iyadoo uusan ku qancin qiimaha mushaar ee uu ka qaato qandaraaska cusub ka dib markii uu muhiim ka noqday shaxda  Barca,

Marca waxa ay intaas ku dareysaa in arintaan ay imaaneyso xilli aad looga baqayo in Sergio Roberto uu aado kooxda Juventus oo baacsaneysa saxiixiisa,

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)