Adidas ayaa dib usoo celisay naqshadeynta Telstar ayadoo soo bandhigtay kubad rasmi ah oo loogu talagalay Koobka Aduunka 2018

Adidas ayaa soo bandhigtay kubadda cagta ee Telstar sanadka soo socda ee koobka adduunka ee Russia.

Markii ugu horreysay ee lagu soo bandhigay tartankii Euro 1968, Telstar waxay u dabaaldagtaa sannad-guuradeeda 50-aad ee soo socota, waxaana ay ku soo laaban doontaa markii ugu horreysay Koobka Aduunka tan iyo 1974.

Telstar18 waa dib-u-soo-naqshadeynta tartanka 1970-ayaa udamaysay , iyada oo ku jirta tiknoolijiyadda ugu dambaysa iyo qalabka casriga ah ee NFC si ay u suurtageliso isdhexgalka digital.

Telstar ayaa markii ugu horeysay lagu ciyaaray Koobka Adduunka sanadii 1970-kii Mexico, oo uu ku guuleystay xulka  Brazil

Telstar waxaa ay ahayd kubadii ugu horeysay ee lagu qurxiyo xargaha madow, oo bedelaya naqshadaha kubadda cagta

Kubaddu waxay ku xirantahay waxyaabaha ugu fiican ee Brazuca, oo lagu isticmaalo Brazil 2014, halka ay ku jiraan tiknoolojiyada cusub.

Fikradaha Akhristayaasha (0)