Xidig Real Madrid u soo ciyaaray oo dhulka ku jiidey Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Luis Suarez, Arjen Robben kuna guulaystay Golden Boot

Abaal marinaha kubbada cagta ee kala duwan ayay ku xidhan yihiin shuruudo kala duwan laakiin abaal marinta cagta dahabka ah ee Golden Foot Award ayaa ah abaal marin inta badan ka duwan dhamaan abaal marinaha shaqsiga ah ee kubbada cagta, waana mid ku salaysan hal mar cumriga ciyaartoyga taas oo aanu mar labaad ku guulaysan karin laakiin si uu ciyaartoy abaal marintan ugu guulaysto waa in uu laba arimood isku darsato oo ah in uu bandhig fiican sameeyo iyo in da’diisu ay tahay ama ay ka wayn tahay 28 sano jir.

Waxaa maanta oo talaado ahayd xaflad ka dhacday magaalada Monaco lagu bixiyay abaal marinta cagta dahabka ah ee Golden Foot Award waana abaal marinta sanadkan 2017. Waxaa abaal marintan hore ugu soo guulaystay ciyaartoy badan oo magac wayn ku soo yeeshay kubbada cagta waxaana ugu badan ciyaartoyda ka soo yeeda dalka Talyaaniga oo ay afar ciyaartoy abaalmarintan soo heleen.

Dalka Brazil ayaa ah dalka labaad ee saddex ciyaartoy ugu soo guulaysteen halka Spain uu yahay dalka saddexaad ee guulaysta ayaasha abaal marintan laba ciyaartoy ku leh laakiin guud ahaan ciyaartoyda qaarada Afrika ayaa laba jeer oo kaliya ku soo guulaystay.

Goolhayihii waqtiga dheer Real Madrid kabtanka u soo ahaa ee Iker Casilllas oo hadda ka tirsan kooxda horyaalka Portugal ee FC Porto ayaa sanadkan 2017 ku guulaystay abaal marinta cagta dahabka ah kadib markii uu abaal marintan ka horqaaday Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos, Manuel Neuer, Leo Messi, Arjen Robben, Thiago Silva, Luis Suárez, Yaya Touré iyo Andrea Pirlo oo shalay ku dhawaaqay in uu ciyaaraha ka fadhiistay balse tartamayaasha ku jiray.

Iker Casillas ayaa noqday xidigii labaad oo kaliya ee dalka Spain ka soo jeeda ee abaal marintan ku guulaystay waxaana uga horeeyay Andres Iniesta oo sanadkii 2014 kii abaal marintan la gudoonsiiyay laakiin sidoo kale Casillas ayaa noqday goolhayihii labaad ee sanadkii labaad oo xidhiidh ah abaal marintan ku guulaysta maadaama oo uu Buffon sanadkii hore ku soo guulaystay.

 

Haddaba Halkan Kaga Bogo Qaabkii Ay Wadamada Aduunku Ugu Soo Kala Guulaysteen Abaal Marinta Cagta Dahabka Ah:

Italy: Roberto Baggio (2003), Alessandro Del Piero (2007), Francesco Totti (2010) and Buffon (2016).

Fikradaha Akhristayaasha (0)