WARBIXIN+SAWIRRO-Wax ka ogow sideed record oo uu Lionel Messi jebin karo sanadahaan

30 jirka Messi ayaa weli ah midka ugu sarreeya kubada cagta, shaki kuma jiro inuu kamid yahay ciyaartooyda ugu fiican taariikhda iyo xitaa midka waqtiga oo dhan ugu fiican dunida.

Waa mawduuc dood badan dhalin kara markasta oo laga hadlo ciyaaryahanka ugu sareeya dunida kubadda cagta.

Kulankii Sevilla, Messi wuxuu gaaray 600 kulan oo rasmi ah oo uu usaftay kooxda Barcelona oo oo uu katirsan yahay safkeeda koowaad tan iyo 2004.

Sida laga soo xigtay wargeyska Catalon ee Sport’ waxaa jira siddeed record oo uu jebin karo sanadaha soo socda laacibka Barcelona Lional Messi.

  1. Inuu Noqdo Ciyaaryahanka ugu koobabka Badanb Taariikhda

Lionel Messi ayaa haatan heysta 30 koob, waxaana uu doonayaa inuu jabiyo koorka Maxwell oo heysta 37 koob iyo Ryan Giggs, oo 36 heysta.

  1. Inuu Noqo Ciyaartoyga ugu Guulaha Badan Champions League

Messi ayaa qaaday afar koob oo Champions League ah (2006, 2009, 2011 iyo 2015). Paco Gento oo ku guuleysatay lix jeer tartankana isagoo ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa ka sareeya.

  1. Inuu Noqo dhaliyaha ugu sareya Champions League

Messi ayaa dhaliyey 97 gool, waxaana uu ka dambeeya kaliya Cristiano Ronaldo, Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 110 gool oo tartanka Champions League.

  1. Inuu Noqdo Dhaliyaha ugu sareeya hal koox

Ciyaaryahanka reer Argentine wuxuu haatan dhaliyay 523 gool 600 kulan oo uu usaftay Barcelona kaliya Pele oo dhaliyey 643 gool 659 kulan oo uu saftay waayihiisii kooxda Santos ayaa ka badan.

  1. Inuu Noqdo Ciyaartoyga ugu guulaha badan Spain

Messi ayaa 298 guul la gaaray kooxda Barcelona, Hogaamiyaha haatan dhanka guulaha horyaalka Spain waa Iker Casillas, kaasoo ku guuleystay 334 kulan waayihiisii Real Madrid.

  1. Inuu Noqdo Ciyaaryahanka ugu badan abaalmarinta Ballon d’Or

Waa hogaamiyaha haatan abaalmarintaan, isagoo ku guuleystay shan jeer Ballon d’Or, Cristiano Ronaldo ayaa kaliya ka dambeeya kaasoo afar jeer heysta.

  1. Inuu Noqdo Ciyaartoyga ugu guulaha badan kabta dahabka

Labada ciyaaryahan ee Messi iyo Ronaldo ayaa labadoodaba ku guuleystay abaalmarintan min afar jeer.

  1. Inuu Noqdo Ciyaaryahanka heysta koobabka ugu badan Yurub

 Waxa uu heystaa toddobo koob oo ay afar kamid ah yihiin Champions League iyo saddex European Super Cup ah, Waxa uu raadinayaa inuu gaaro heerka Dani Alves, Paolo Maldini iyo Arie Haan kuwaasoo min sagaal koob oo yurub ah heysta.

Fikradaha Akhristayaasha (0)