Mesut Ozil Oo Ay Udhow Dahay In uu Galaafan Doona Mustaqbalka 4 Xiddig Oo United Ah Marka La Gaaro January

Tababaraha Man United ee Jose Mourinho ayaa loo sheegay in uu xiddigo kooxda ka iibiyo si uu xiddigo cusub ula soo wareega marka la gaaro suuqa janaury.
54 jirkan reer Portugal ayaa suuqii xagaaga la soo saxiixday  xiddigaha kala ah Romelu Lukaku, Victor Lindelof Iyo Nemanja Matic laakiin waxa uu heli waayay Ivan Perisic.
Xiisaha ay United u qabto Mesut Ozil ayaa ah mid ah waxana laga yaabaa in ay adeegiisa u dhaqaado marka la gaaro suuqa Janaury halkii ay sugi lahayd in ay si xor ah ku hesho dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Si kasta ha ahaatee waxa laga yaabaa in xiddigan lagu helo lacag dhan 20 ilaa 30 milyan United-na wxa ay u baahan doontaa in ay xiddigo iibiso ka hor inta ayna u dhaqaaqin adeegiisa.
Hadaba waxa jira xiddigo khatar ugu jira in kooxda laga daro oo ay seefta  jose ku dhacdo si ay ugu dhaqaaqaan adeega xiddiga reer Germany.
Waxana xiddigahaas ka mid ah Luke Shaw,Chris Smalling,Henrikh Mkhitaryan iyo Marouane Fellaini kuwaas oo ay 3 ka mid ah heshiiskoodu dhaw yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)