Website-ka UEFA oo lagu soo bandhigay rikoorada aysan weli jebin Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Cristiano Ronaldo & Lionel Messi waa labada xidig ee dunidaan casriga ah ka taliya dhanka kubadda cagta marka laga hadlo iney ahaayeen kuwa masraxyada caalamiga ah ku dagaalamay 10-kii sano ee ugu dambeeyay, balse waxaa jira rikooro aysan wali jabin oo la xariira tartamada yurub.

Website-ka UEFA ayaa lagu soo daabacay dhawr rikoor oo aysan wali jabin isla markaana qaarkood ay yahiin kuwa aan loo dhawaan karin oo darajo ahaan aysan gaari karin Ronaldo & Messi.

Rikoorada aysan wali jabin waxaa dhigay qaar ka mid ah magacyo wacdaro kasoo dhigay yurub – Alfrédo Di Stéfano, Ferenc Puskás, Clarence Seedorf, Zlatan Ibrahimović, Ryan Giggs, Paolo Maldini, Roy Makaay & xidigo kale.

GOOLASHA FINAL-KA:

Goolasha ugu badan ee laga dhaliyo final-ka tartanka horyaalada yurub waxaa heysta: Alfrédo Di Stéfano iyo Ferenc Puskás kuwaas oo min 7-gool dhaliyay iyagoo u ciyaaraya Real Madrid.

Kulamada ugu badan ee final-ka ee shabaqa lasoo taabto waxaa heysta Alfrédo Di Stefano oo gool dhaliyay 5-final oo kala duwan tartamada yurub isagoo ka tirsan Real Madrid – 1956, 1957, 1958. 1959, 1960.

Goolasha ugu badan ee hal final la dhaliyo waxaa heysta Ferenc Puskás kaas oo 1960 u dhaliyay Real Madrid 4-gool.

CR7 & LM10: Messi wuxuu dhaliyay final-ka tartanka laba gool 2009 iyo 2010, halka Ronaldo uu dhaliyay 4-gool, 2008, 2014 iyo 2017. Cristiano wuxuu kasoo muuqday 5- final oo UCL, wuxuuna sadex ka yar yahay xidigaha ugu badan ee rikoorkaas heysto Francisco Gento (Real Madrid) iyo Paolo Maldini (AC Milan).

GUULAHA TARTANKA:

Xidiga ugu badan ee kooxo la qaaday tartanka waa Clarence Seedorf, wuxuuna kula guuleystay 3-kooxood oo kala duwan (Ajax 1995, Real Madrid 1998, Milan 2003, 2007).

Kooxaha ugu badan ee gool loo dhaliyo tartanka yurub waxaa heysta Zlatan Ibrahimovic oo 6-koox oo kala duwan gool u dhaliyay (Ajax, Juventus, Internazionale, Barcelona, Milan, Paris Saint-Germain).

Ronaldo ayaa usoo dhaw rikoorka Seedorf madama uu laba koox la qaaday Man United 2008 iyo Real Madrid sadex jeer 2014, 2016 iyo 2017.

Rikoorka Ibrahimovic waa ku dhib Ronaldo iyo Messi intaba, Messi wuxuu kaliya u dhaliyay Barcelona halka Ronaldo uu laba koox goolal u dhaliyay tartanka, hadii Zlatan uu Man United gool u dhaliyo rikoorka wuu sii baahi doonaa.

DA’DA GOOLASHA:

Xidigii ugu da’da weynaa ee gool ka dhaliya final-ka UCL wuxuu noqday Paolo Maldini kaas oo gaaray shabaqa Liverpool 2005 isagoo jira 36-sano iyo 333 maalmood.

Sidoo kale xidigii ugu da’da weynaa ee wareega group-yada gool ka dhaliya wuxu noqday Francesco Totti kulan ay ka hor jeedeen CSKA Moskva, 2014 – wuxuuna ahaa 38-jir iyo 59-maalmood.

Xidigii ugu da’da weynaa ee gool dhaliya intaan loo bixin magaca Champions League wuxuu ahaa Manfred Burgsmüller kaas oo ka tirsanaa Werder Bremen isagoo jira 38-sano iyo 293 maalmood ayuu dhaliyay 1988.

GOOLASHA DHAQSIDA LEH:

Goolka ugu dhaqsiyaha badan Champions League waxaa heysta Roy Makaay kaas oo soo taabtay shabaqa Real Madrid 2007 (10.12 ilbiriqsi)

Goolka ugu dhaqsiyaha badan final-ka Champions league waxaa heysta Paolo Maldini kaas oo 53-ilbiriqsi gool uga dhaliyay Liverpool 2005.

Rikoorka goolka ugu dhaqsiyaha badan Messi ayaa u dhawaaday oo 3-daqiiqo ku dhaliyay kulan ay Celtic wajaheen 2016, halka Ronaldo uu 4-daqiiqo gool uga dhaliyay Juventus 2013.

SADEXLEYDA:

Sadexleyda ugu dhaqsiyaha badan waxaa ka dhaliyay tartanka Bafétimbi Gomis oo ay ku qaadatay 8-daqiiqo kaliya isagoo ka tirsan Lyon 2011, wuxuuna ka dhaliyay Dinamo Zagreb.

Ronaldo iyo Messi waxey dhaliyeen min 7-sadexley tartankaan, balse Messi ayaa usoo dhawaaday oo ay 26-daqiiqo ku qaadatay inuu Arsenal 3-gool uga dhaliyo 2010.

MUDADA GOOLASHA:

Goolasha la dhaliyo xilli ciyaareedyo xiriir ah waxaa ugu badan Raul Gonzales kaas oo 14-xilli oo xiriir ah gool dhalinayay.

Goolasha ugu badan ee xidig uu dhaliyo xilli ciyaareedyo xiriir ah, waxaa heysta Ryan Giggs oo shabaqa taabanayay 16-xili ciyaareed oo xiriir ah.

GOOLASHA HAL FASAL:

Goolasha la dhaliyo hal xilli ciyaareed tartamada yurub waxaa heysta Radamel Falcao oo tartanka Europa League ka dhaliyay 18-gool sanadkii 2011 isagoo ka tirsan Porto.

Ronaldo wuxuu gaaray markii ugu dheereed 17, halka uu Messi gaaray 14.

GOOLASHA XIRIIRKA AH:

Ruud Van Nistelrooy ayaa heysta rikoorka kulamada ugu badan ee xiriir ah oo gool la dhaliyo taranka Champions League madama uu 9-kulan shabaqa gaaray 2002/2003.

Fikradaha Akhristayaasha (0)