AKHRISO-Kooxaha Ilaa hadda iska xaadiriyey wareega 16-ka ee Champion league

Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa noqday kooxdii ugu horeyay ee wareega 16ka tartanka Champions League iska xaadiriya xili ciyaareedkaan 2017-2018.

Halka kooxda Manchester United oo gaartay guushii Afaraad oo xiriir ah aysan weli kasoo bixin Group A, sabab la xiriirta kooxaha Basel iyo CSKA oo min lix dhibcood leh.

Kooxda Roma oo garaacday Chelsea iyo Barcelona oo barbareysay 0-0 gashay xalay ayaa weli rajadoodu fiican tahay, inkastoo Chelsea xitaaa ay kujirto xaalad ay kusoo bixi karaan.

Goolhaye Mile Svilar ayaa markale wacdaro ku dhigay Manchester United, inkastoo Daley Blind iyo  Nemanja Matić ka dhaliyeen laba gool, halka Anthony Martial laga qabtay rigoore.

Paris ayaa afar guul oo xiriir ah gaartay kadib markii ay xalay ka badiyeeen kooxda Belgium-ka ka dhisan ee Anderlecht .

Goolal ka kala yimid Marco Verratti , Neymar iyo saddexley uu dhaliyay Layvin Kruzawa ayaa ka saaciday PSG in ay iska xaadiriso wareega 16ka Champions League.

Kooxaha kala ah Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa hadda xaqiijiyay marxalada wareega 16ka tartanka Champions League, halka Manchester City, Beşiktaş, Tottenham Hotspur iyo Real Madrid ay caawa kusoo biiri karaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)