Liverpool Echo oo bannaanka soo dhigtay wixii uu macallin Klopp ku sameeyey xiddigaha Reds kaddib guuldarraddii ka soo gaartay Tottenham

Shabakadda Liverpool Echo ayaa shaacisay oo bannaanka soo dhigtay waxa uu macallin Jurgen Klopp ku qasbay inay sameeyaan xiddigaha kooxdiisa Reds kaddib guuldarradii weyneed ee ka soo gaartay Tottenham.

Reds waxa ay guuldarro xanuun badan kala kulantay Tottenham, kaddib markii Reds looga badiyey 4-1 kulankii ka dhacay garoonka Wembley, tababaraha reer Jarmal ayaana qaaday tallaabo uu maskax ahaan ku ciqaabayo xiddigihiisa oo uu ku dareensiinayo qaladaadkii ay sameeyeen si aysan mardambe ugu soo laaban.

Jariirada Liverpool Echo ayaa daabacday in tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund uu kulan deg deg ah isugu yeeray ciyaaryahannadiisa maalintii Isniinta ahayd, waxaana uu u sheegay sida warbixinta lagu qoray inay dib u daawadaan kulankii ay la yeesheen Tottenham oo ay si fiican u darsanaan ciyaarta gaar ahaan goolashii afarta ahaa ee laga dhaliyey sida ay ku yimaadeen iyo cidda qaladka lu lahayd.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in xiddigaha Liverpool ay si furan oo daacadnimo ku jirto uga hadleen goolwalba iyo haddii ay sameeyeen qaldaad, xiddig walba ooisku arkayey inuu qalad sameeyey ayaana gacanta taagayey oo sheeganayey qaladka uu sameeyey.

Liverpool Echo warbixinta ay daabacday waxa ay intaa ku daraysaa in macallin Klopp uu diiday inuu shaqsiyaad ka mid ah ciyaaryahannadiisa ku eedeeyo guuldarradaas, waxaana taas bedelkeeda uu u ogolaaday inay iyagu qirtaan qaladaadkooda.

Si kastaba ha haatee, ciqaabtu halkaas ayey ku ekeyd oo macallin Klopp waxa uu ciyaartoydiisa fasax ka siiyey tababarka maalintii xigtay ee Talaadada ahayd.

Hadda Reds waxa ay isku diyaarinayaan kulanka ay Sabtida la ciyaari doonaan naadiga ku cusub horyaalka Premier League ee Huddersfield, inkastoo ay horyaalka ku cusub tahayna lama dhayalsan karo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)