Xiriirka kubadda cagta Argentin oo walaac ka soo saaray xaaladda Messi kadib markii Kooxda Daacish..

Xiriirka kubadda cagta dalka Argentina ayaa durba walaac ka muujiyay hanjabaadaha culus ee ka yimid ISIS kuna wajahan taageerayaasha kubadda cagta ee doonaya iney ka qeyb galaan koobka Aduunka, balse arinta ugu weyn oo ay aad uga murugoodeen waxey tahay sawirka ay adeegsadeen ee Lionel Messi.

Madaxweynaha xiririka kubadda cagta Argentina Claudio Tapi ayaa durba ka walwalay xulkiisa ka hor koobka Aduunka ee xagaaga soo aadan ka dhici doona Russia, wuxuuna durba la kulmay safiirka Russia u fadhiya dalka Argenina waxeyna ka wada hadleen arimo ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee loo sugi karo ammaanka muwaadiniinta.

Argentina waxey bisha November ee aadan aadi doonaan Russia si ay halkaas kulan saaxiibtinimo ugula ciyaaraan Nigeria, balse hanjabaadaha waqtigooda kasoo hormaray ee ISIS aaya keentay in Claudio Tapi uu la kulmo Victor Koronelli.

Wargeyska OLE ayaa shaaca ka qaada in waxyaabaha ugu weyn ee kulankaas looga hadlay ay ugu weyn tahay sidii ammaanka ciyaartoyda loo adkeyn lahaa isla markaana dhibaatada la filayo iney maleegaan ISIS looga fogeyn lahaa

Si kastaba Lionel Messi ayaa la filayaa inuu hogaamiyo Argentina koobka Aduunka ee ka dhici doona Russia hadii uu ka badbaado dhaawac waqtiga kaga haray xilli ciyaareedka, balse waxaa arin weyn noqotay iney sawirkiisa adeegsadaan ururka ISIS oo si weyn ugu kacsan Russia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)